Ehel iyo Asxaab
Ehel iyo asxaab: waa adeeg casri ah oo ay shirkada Telesom ugu talo gashay in ay qiimo dhimis ugu samayso macaamiisheeda.
Adeegan waxaa loogu talo galay in ay isticmaalaan macaamiisha iyagu dhexdooda wada hadla sida macaamiisha koox kooxda ah sida shaqaalaha ka shaqeeya goob isku mid ah, koox dhalinyar ah oo kubada wada ciyaarta, macalimiin dugsi ka wada shaqeeya IWM.
Waxaad diiwan gashan kartaa macaamiil tiro badan si aad ula xidhiidho adiga oo isticmaalaya adeega Ehel iyo Asxaab.Ku raaxeyso adeega Ehel iyo Asxaab.