ADEEGA MUSHAAX
Waa Maxay Adeegga Mushaax?
Mushaax waa adeeg kuu sahlaya inaad Nambarkaaga Telesom (Simcard) aad isticmaasho marka aad dibadda u dhoofto ama socdaalayso. Marka aad wadanka ka baxdo, eed dibadda u dhoofto uma baahnid inaad Simcard cusub qaadato si aad xidhiidh u samayso ama adiga laguula soo hadlo.
Dibadda marka aad u dhoofto waxaad awood u leedahay inaad isticmaasho dhamaan adeegyaddii aad ka heli jirtay kaadhka Telesom sida: Haddalka, Dirista fariimaha, adeegsiga adeega Zaad iyo Dirista ama helista xawaaladda.
Maxaa lagaaga baahan yahay inta aanad dhoofin?
Hadii kaadhkaagu yahay Postpaid, waxaad u baahan tahay in xarumaha shirkadda aad tagto si laguugu furo adeega. Sidoo kale, waxa lagaa rabaa inaad bixiso lacag deebaaji ah. Waxaana lagu siin doonaa qiimayaasha wadanka aad booqanayso kaga hadli karto iyo guud ahaanba macluumaad ku saabsan adeegga Mushaax.
Haddii Kaadhka aad sidataa yahay Prepaid, uma baahnid in Shirkaddu kuu furto. Markasta ood dhoofto wuu kuu shaqaynayaa adeeggu. Waxaad u baahan tahay oo keliya in Lacag kuugu aad ku shubato.
Sideed u ogaanaysaa innuu adeeggu kuu shaqaynayo?
Isla marka aad gaadho wadankii aad u socotay:
1. Shid mobile-kaaga; waa inuu soo qabsado mid ka mida shirkaddaha wadankaa ka jira. 2. Haduu soo qabsan waayo (Antenna aad waydo), Mobilkaaga dib u shid 3. Intaa kadib haduu shaqayn waayo, tallaabadan raac: 3.1 Gal Network Setting-ka Mobilkaaga 3.2 Waxaad baadhaa “Network” Shirkaddaha 3.3 Kadibna dooro Shirkada ay Telesom xidhiidhka leeyihiin (Macluumaadka Shirkadaha Telesom xidhiidhka la leedahay ka eeg Website-ka shirkada) 4. Hadii gabi ahaanba adeeggu kuu shaqayn waayo, lasoo xidhiidh xarumaha daryeelka macmiilka ee Telesom +2522151 ama +2522522129.
Wadamadee ama Shirkaddahee uu adeegga mushaax iigu shaqaynayaa?
Shirkadda Telesom waxay Heshiis kula jirtaa Shirkaddo badan oo Qaaraddaha aduunka ka kale jira, waxaana ugu muhiimsan kuwan hoos ku qoran. Eeg, Wadanka aad tagayso iyo Shirkaddaha aad ku isticmaali doonto Adeegga Roaming-ka:
SN |
WADANKA |
SHIRKADDA |
1 |
USA |
AT&T Mobility - CG |
2 |
Belgium |
Proximus PLC |
3 |
Djibouti |
Djibouti Telecom |
4 |
Burundi |
Econet Leo S.A. Burundi |
5 |
Finland |
Elisa Corporation RL |
6 |
Ethiopia |
Ethio Telecom |
7 |
Saudi Arabia |
Etihad Etisalat Company and MTC Saudi Arabia (Zain) |
8 |
UAE |
Etisalat United Arab Emirates |
9 |
Malaysia |
Mi3G Network Sdn Bhd |
10 |
Qatar |
Qatar Telecom (Ooredoo) Q.S.C |
11 |
Canada |
Rogers Communicat. Canada Inc |
12 |
France |
SFR France |
13 |
Kenya |
Safaricom Limited |
14 |
Kuwait |
VIVA Kuwait |
15 |
Egypt |
Vodafone Egypt Telecom S.A.E |
16 |
Italy |
Vodafone Omnitel N.V. |
17 |
Turkey |
Vodafone Telekomunikasyon A.S. and Turkcell |
18 |
New Zealand |
Vodafone New Zealand |
19 |
Ghana |
Vodafone Ghana |
20 |
Romania |
Vodafone Romania |
21 |
Portugal |
Vodafone Portugal |
22 |
Czech |
Vodafone Czech Republic a.s. |
23 |
Spain |
Vodafone Espana S.A.U. |
24 |
Hungary |
Vodafone Hungary Ltd. |
25 |
Ireland |
Vodafone Ireland |
26 |
Malta |
Vodafone Malta |
27 |
South Africa |
Vodafone South Africa and Vodacom (Pty) Ltd |
28 |
UK |
Vodafone UK |
29 |
Albania |
Vodafone Albania |
30 |
Uganda |
MTN Uganda Ltd |
31 |
India |
Airtel India |
32 |
South Sudan |
Vivacell II |
33 |
Oman |
Omantel |
34 |
Yemen |
SabaFon |
35 |
Luxembourg |
Tango SA |
36 |
International Waters |
Telecom26 AG |
37 |
Sudan |
Sudanese Mobile Telephone (Zain SD) Co. Ltd |
38 |
Jersey JT |
(Jersey) Limited |
39 |
Germany |
Vodafone GmbH |
40 |
Japan |
KDDI Japan |