Carwo ganacsiyeedka sannadka 2018 ayaa si rasmiya u furantay 9kii bishan isla markaana lagu qabtay Hotel Guleed ee magaalada Hargeisa. Carwadan ayaa lagu soo bandhigay ganacsiyo kala duwan kuwaas oo looga dan lahaa in lagu soo bandhigo adeegyo cusub iyo qiimio dhimis ay bulshadu ka faa’idaysato. Carwadan ayaa waxa soo qaban qaabisay Rugta ganacsiga, warshadaha iyo beeraha ee Somaliland.
Furitaankii Carwada
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa carwadan xadhiga ka jaray, waxaana kasoo qayb galay ganacsato, aqoon-yahan, culumo, dhallinyaro, haween, daneeyeyaasha horumarka ganacsiga Somaliland iyo diblomasiyiin ku sugan Soamaliland. Madaxweyne Muuse biixi Cabdi ayaa si qoto dheer uga waramay guulaha horumarka dalka waxa lagu gaadho wuxuuna carrabaabay saddex qodob:
Madaxweynaha ayaa sheegay in haddii saddexdaa tiir isla jaan qaadaan in faqriga, baryada iyo foolxumadaba aynu ka baxayno, waxa kale oo uu sheegay in Somaliland leedahay dad leh hal-abuur ganacsi oo fara badan oo shirkado abuuray iyadoo baanka aduunku aanu caawin, wax caymis ahna ku jirin, wax aqoonsi ahna aan ka haysan caalamka.
Waxa kale oo xafladdan ka hadlay wasiirka ganacsiga, warshadaha iyo dalxiiska Maxamed Xasan Sacad Saajin, Guddoomiyaha rugta ganacsiga Maxamed SHukri, badhasaabka gobolka Maroodi Jeex Jaamac Xaaji Aadan, Maayarka Caasimadda Hargeisa Abdiraxmaan Soltelco iyo xubno ku hadlayay magaca ganacsatada, waxayna dhamaantood qireen guulaha ganacsi ee Somaliland ka hanaqaaday, adeegyada ganacsi ee carwada laga helayo iyo faa’iidada ay ugu fadhido shacbiga Somaliland.
Sidoo kale Abdiwahaab Maax oo ah Agaasimaha waaxda xidhiidhka dadweynaha ee Telesom kuna hadlayay afka Telesom Group ayaa salaan iyo mahadnaq dabadeed sheegay in shirkadda Telesom ay kasoo qayb gashay dhamaan carwo ganacsiyeedyadii lagu qabtay Somaliland. Waxa kale oo uu Cabdiwahaab Maax sheegay in carwo ganacsiyeedka ugu weyn qaarada Afrika ee sannad kasta lagu qabto waddanka Koonfur Africa magaaladiisa Cape Town loogu cumaamaday Shirkadda Telesom inay tahay sannadka 2018ka hormuudka teknoolajiyada iyo isgaadhsiinta Afrika, wuxuuna ku tilmaamay inay tahay guul usoo hoyatay Qaranka Somaliland, dhalinyarada ka shaqaysa teknoolajiyada ama hal-abuurtay adeegyada teknoolajiyadeed ee la inagu abaal mariyay, ummada afka Somaaliga ku hadasha iyo bulshada geeska Afrika.
Maax ayaa sidoo kale ka warramay adeegyada ay shirkadda Telesom usoo bandhigayso bulshada Somaliland oo uu ka mid yahay adeega Ambassador oo u sahlaya in dhallinyaradu iyagoo guryahooda jooga ay ku shaqaysan karaan. Adeegan oo ku cusub waddanka ayaa u sahlaya cid walba oo danaynaysa inay iibin karaan adeegyada shirkadda iyagoo ka helaya khidmad. Agaasimaha ayaa xusay in Telesom soo kordhisay waxa loo yaqaan “smart employment” oo ah hab fudud oo shaqaalaysiina, adeega “Arday kaab” ayaa ahaa adeega labaad ee shirkaddu kusoo bandhigayso carwada kaas u sahlaya ardayda jaamacadaha in ay bakhtiyaa nasiib geli doonaan bilaasha oo ay ku guulaysan karaan semester billasha oo jaamcada ah ama hal teeram oo dugsiga sare ah. Adeega kale ee uu xusay agaasime Maax ayaa ahaa adeega ila-soco oo u gaar ah gaadiidlayda, kaas u sahlaya inay si fudu ula socon karaan gaadiidkooda isla markaana hab casriyaysan u kontorooli karaan.
Abdiwahab Maax ayaa xusay in carwada ay Darasalam bank macaamiisha ugu soo bandhigayso adeega maal-gelinta oo jaban iyo in ardayda dhigata jaamacadaha loo jabiyay kombiyuutaradii lagu maal-gelin jiray 40%. Agaasimaha ayaa sidoo kale sheegay in shirkadda Somgas ay macaamiisha inta carwadu socoto u samaynayso qiime dhimis 15%. Shirkadda MAT (Modern automotive technology) oo hoos timaada Telesom Group oo ah geerash casri ah oo lagu cillad saaro gaadiidka ayuu sidoo kale xusay Agaasimuhu.
Telesom iyo Carwadii
Telesom maxay bulshada usoo bandhigtay?
Shirkadda Telesom ayaa si balaadhan uga qayb qaadatay carwo ganacsiyeedka caalamiga ah ee 8aad ee lagu qabtay Magaaladda Hargeisa. Telesom ayaa bulshada usoo bandhigtay adeegyo cusub iyo adeegyo hore u jiray labadaba.
Adeegyada Cusub ee shirkaddu bulsho weynta Somaliland usoo bandhigtay waxaa ka mid ahaa:
Adeega Ila-Soco:
Adeega ila- soco ayaa mamaamiisha u sahlaya inay gawaadhidooda la socdaan halkay marayaan, xawaaraha ay ku socdaan, shidaalka ku jira, inta meelood ee uu soo maray iyo inuu awood u leeyahay inuu bakhtiiyo gaadhigiisa.
Adeega Ambassador:
Adeega Ambassador waa adeeg macaamiisha shirkadda Telesom u sahalaya inay iibiyaan adeegyada iyo agabka shirkadda Telesom isla mar ahaantaana waxay ka helayaan khidmad. Adeegan ayaa suura gelinaya isagoo macmiilku jooga gurigiisa inuu iibiyo adeegyada shirkadda, waana hab ku cusub waddanka.
Adeega Arday-kaab
Adeega Arday-kaab waa adeeg u gaara ardayda dhigata jaamacadaha iyo dugsiyada sare. Adeegani wuxuu ardayda u sahlayaa inay ka qayb qaataan bakhtiyaa nasiib isla markaana ciddii ku guulaysata waxay helaysaa in laga bixiyo lacagta hal semester oo jaamacadda ah ama lacagta hal teeram oo dugsiga sare ah.
Adeegyada aasaasiga ah ee shirkaddu bixinaysay waxaa ka mid ahaa:
Sim-cards
Shirkadda Telesom ayaa macaamiisheeda carwada ugu soo bandhigtay simkaadho ka bilaabma nambarka 4, arrintan ayaa aad usoo jiidatay macaamiisha shirkadda waxayna sababtay inay safaf dhaadheer loo galo hellida nambarkan. Bulshadda ayaa aad u xiisaynaysay nambaradan lagu furayay carwadda, shaqaalaha shirkadda ayaan mar qudha madaxa la kicin macaamiisha kuyuuga dhaadheer kura awgeed iyo shaqaalaha adeegan qabanayay oo kala badnaa awgeed waana ta keentay in markii dambe la hawl geliyo shaqaale dheeraada.
Adeegan ayaa ahaa kii ugu socodka badnaa intii carwadu furnayd, macaamiishuna may lahayn kala go’ marka laga reebo labadii maalmood ee u dambeeyay oo ay soo yaraadeen.
Internet
Internetka ayaa shirkaddu ka dhigtay mid bilaasha soo gelintiisa, keliya waxay macaamiishu iibsanayeen routerka oo laga siinayay $30. Macmiil aad u tiro badan ayaa adeegan gashaday intii carwadu socotay wuxuuna ahaa adeega labaad ee ugu macaamiisha badan marka la yimaado sim kaadhada.
ZAAD
Adeega Zaad ayaan isaguna meesha ka maqnayn oo loo furayay macaamiisha wixii sita aqoonsi, inkastoo macaamiisha qaar ka mid ah loo furayay kii degdega ahaa ee qaadayay $300.
Carwo ganacsiyeednkan ayaa socotay muddo 7 cisho ah muddodaas ayaa bulshaweynta reer Somaliland aad uga adeegteen carwadan oo ay u arkayeen fursad qaaliya oo muddan in laga faa’idaysto. Macaamiisha shirkadda Telesom ayaa sababay in mararka qaarkood ay xidhmaan waddooyinka hareero marayay booska aynu ka degenahay carwada taas oo keentay in dhawr jeer ay noo yimaadaan hawl wadeenada carwadu iyagoo codsanayay in la nidaamiyo macaamiishan tirada beeshay ee u hammuun qabay adeegyada shirkadda Telesom.
Waxa xusid mudan intii carwo ganacsiyeedku socotay in laydhku goo’goayay oo uu keenay inuu inaga gubo computer cusbaa oo shirkaddu soo iibsatay. Arrintaana waxaanu kaga hortagnay iyadoo markiiba carwada la keenay 2 ups oo dabka inoo kaydinayay wixii intaa ka dambeeyay.
Macaamiisha waxaa u badnaa haween oo marka laga yimaado kaadh furashadiisa guryaha ku xidhanayay internetka Telesom iyo dhallinyaro aad uga helay adeega Ardey-kaab oo ay is wada gaadhsiiyeen si ay mar uun ugu guulaystaan bakhtiyaanasiibka sahlayay semesterka ama teramka bilaashka ah ee ay Telesom bixinaysay. Adeega kale ee dhallinyaradu u riyaaqday ayaa ahaa adeega Ambassador oo ay qaarkood rabeenba isla goobta iyagoo jooga inay shaqada bilaabaan.
Guntii iyo Gebogebodii
Xidhitaankii
Wasiirka ganacsiga, warshadaha iyo dalxiiska Maxamed Xasan Sacad Saajin ayaa carwo ganacsiyeedkan si rasmiya usoo xidhay. Wasiirka ayaa aad u dhiiri-geliyay wax soo saarka wadaniga ah isla markaana odorasay in carwooyinka soo socda ay ka koobnaan doonaan agab dhamaantii lagu sameeyay Somaliland, arriintaas oo uu ku tilmaamay inay kor u qaadi doonto dakhliga waddanka.
Xidhitaankii Carwo ganacsiyeedkan ayaa Rugta Ganacsiga, warshadaha iyo beeraha Somaliland guddoonsiiyeen shahaado sharaf Telesom Group, shahaadadaas oo ay ku mutaysteen sida hagar la’aanta ah ee ay uga qayb qaateen ugana dhex muuqdeen carwo ganacsiyeedkan. Shahaadadaas ayaa waxa guddoomay guddoomiyaha Waaxda xidhiidhka dadweynaha ee Telesom Maxamed Cabdi Darbo oo u mahadnaqay Rugta ganacsiga, shaqaalaha carwada, mulkiilaha Guuleed Hotel, hawl wadeenada Telesom Group iyo macaamiisha shirkadda Telesom. Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in carwadani ay soo bandhigtay awooda dhaqaale ee waddanku leeyahay. Guddoomiyaha ayaa sidoo kale xusay in horumarkaa uu kow ka yahay amniga iyo dawlad wanaaga ka jira Somaliland.
Guntii iyo gebogebadii carwo ganacsiyeedkan ayaa kusoo dhamaatay jawi degen oo farxadeed. Carwo ganacsiyeedkan ayaa dhiiri gelisay bulshada Somaliland gaar ahaan inta leh hal-abuurka ganacsi iyo ganacsiyada ku cusub waddanka oo helay goob ay kusoo bandhigaan adeegyadooda iyo hiigsigooda.