Hargeisa (Telesom): Shirkadda isgaadhsiinta casriga ah ee Telesom ayaa shaacisay inay u hogaansantay amarkii xukuumadda ee ku saabsanaa wax ka qabadka qiima dhaca SHillinka Somaliland iyo kor u qaadida isticmaalka SHillinka Somaliland isla markaana ay fuliyeen Go’aamadaasi.
Abdisalan Ismaaciil Nour oo ah Madaxa Waaxda iibka ee shirkadda Telesom ayaa Warbaahinta u mariyay macaamiisha Shirkadda Telesom Adeega cusub ee Zaad Somaliland SHillin iyo in adeegyada SHirkadda Telesom bixiso inay ku iibsan karaan Somaliland Shilling isla markaana dollarka ugu jira Zaadka u badalan karaan Somaliland Shilling iyagoo isticmaalaya habka gaaban ee *886*lacagta# dabadeedna PIN-ka.
Guntii iyo gebo-gebadii wuxuu Abdislaan Ismaaciil Nour si balaadhan ugu mahad naqay macaamiisha Shirkadda Telesom.