Hargeisa [TELESOM] Shirkadda Telesom Group oo si weyn uga dhex muuqatay carwada 10-aad ee rugta ganacsiga JSL. Madax-hawlgelinta shirkadda Maxamuud Cabdiraxmaan oo ka hadlay munaasibadda ayaa ka warbixiyay doorka Telesom ee horumarka dalka, sidoo kale waxa sharraxaad ka bixiyay adeegyada ay shirkaddu ku soo bandhigtay carwada maamulaha suuq-geynta Saleebaan Ismaaciil Bootaan.
Adeegyada ay Telesom kuugu diyaarisay goobta carwada rugta gancsiga ee ka socota hutel Maansoor waxa ka mid ah: Adeegyo loogu talagalay ganacsiyada iyo hay’adaha waaweyn, Adeegga internetka casiriga ee FIBER OPTIC, iyo adeegyo kale oo u gaar ah macaamiisha sida KAYD+. Halku-dhegga sannadkan waa: “Hormuudka geeddiga horumarka tiknooljiga Soomaaliland (Transforming Somaliland Through Technology)
Telesom Group ahaan aad baannu ugu faraxsannahay in aannu ka qaybgalno carwada ganacsiga JSL ee rugta Ganacsiga oo maanta madaxweyne ku xigeenku, Md: Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici uu si rasmi ah uga furay magaalada Hargaysa. Shirkadaha Telesom Group oo ay ka mid yihiin Telesom, Dara-Salaam, Somgas, Kaabsan, Dhaweeye iyo MATCO waxa ay kugu diyaariyeen adeegyo cusub iyo Qiimo-dhimisyo kala duwan muddada carwadu socoto.