Shirkada Telesom ayaa Ka Qayb-gashay todobbaadka caalamiga ah ee hal-abuurka ganacsiga Somaliland
Toddobaadka caalamiga ah ee hal-abuurka ganacsiga oo sannad walba bisha 11aad laga xuso adduunkoo dhan ayaa lagu qabtay Somaliland gaar ahaan magaaladda Hargeisa.
Waxaana lagu dhiiri geliyaa sidii hal abuurada hal abuuray ganacsiyadu ay fikradahooda isku waydaarsan lahaayeen curinta ganacsiga. Waxaana kulankan balaadhan soo agaasinta haayadda waddaniga ah ee Shaqadoon.
Shirkadda Telesom oo ka qayb qaadatay todobaadka caalamiga ah ee hal abuurka ganacsiga Somaliland ayaa waxa uga qayb galay madaxa suuq-gaynta iyo xidhiidhka dadweynaha ee shirkdadda Telesom Abdirahman Aadan Shire.