Telesom
  • Home
  • Buy Now
    • Buy ADSL service
    • Buy MYSMS service
    • Buy Vehicle Tracking service
    • Landline Installation
    • New Simcard
  • Support form
  • About
  • Service
  • Portfolio
  • CSR
  • Promotion
  • Career
  • Contact
  • Login
  • EN
    • English
    • Somali
Log In
Register an account

Heshiiska Fiber Optica Somaliland

Post by Admin, Feb 8, 2022.

Waxa Maanta oo ay taariikhdu tahay February 08, 2022 guul ku soo dhammaaday heshiis dhexmaray shirkadaha Isgaadhsiinta iyo dawlada Jamhuuriyadda Somaliland. Heshiiskan ayaa nuxurkiisu yahay in la wadaago lahaanshaha xadhiga fiberka ah oo ay wada yeelan doonaan shirkadaha isgaadhsiinta iyo dawlada Somaliland oo ay heshiishka ku matalayso Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyaddu JSL.
 
Hirgalinta heshiiskan oo dhawrkii sanno ee u danbeeyey Wasaaraddu gacanta ku haysay ayaa waxa kaalin laxaad leh ka qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo aaminsan furfurnaanta suuqa Isgaadhsiinta si loo xaqiijiyo horumarinta suuqa Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda dalka.
Haddaba, heshiiskan oo ah mid taariikhi ah ayaa faa’iidooyinka ugu waaweyn ee heshiiskan waxa ka mid ah:
 
1. Midaynta maalgashiga kaabayaasha xadhkaha internet-ka ee Fiber-ka.
2. Kor-u-qaadida iyo tayaynta adeegyada internet xawaare sare leh oo qayb ka noqda horumarka dhaqaale, ganacsi, waxbarasho iyo fududaynta helidda adeegyada dawladda.
3. In si habsami leh maalgashiga kaabayaasha xadhkaha internet ee fiber-ka loo qorsheeyo loona mideeyo.
4. In maalgashiga kaabayaasha xadhkaha internet ee fiber-ku uu fududeeyo helidda internet xawaarihiisu sarreeyo.
5. Heshiiskani waxa uu Somaliland u saamaxayaa in ay yeelato shirad kaalin weyn ka ciyaarta tartanka suuqa maalgashiga kaabayaasha xadhkaha internet ee fiber-ka ee gobolka.
 

Latest CSR

Telesom Group oo 150 kun oo dollar ugu deeqday suuqa Wajaale
Dardargelinta Ganacsiga Haweenka 2023
Telesom oo 30 Milyan oo bir ugu deeqday suuqa taiwan ee Jigjiga
Telesom iyo dhismaha suuqa waaheen
Adeega Keynaan
Adeega Mushaax
Carwada Shaqo Abuurka Somaliland
Telesom iyo doorka horumarinta bulshada
Carwo Ganacsiyeedkii 10aad ee Somaliland
  • Telesom
  • Contact Us
  • Careers
  • Data Privacy
  • Terms of Use
  • FAQ
  • About
Copyright © 2023 Telesom. All Right Reserved