Hargeisa [TELESOM] Maayarka Caasimadda Hargeisa Cabdikariim Axmed Mooge ayaa raaligelin siiyay Shirkadda Telesom. Raaligelintan ayaa timi kadin markii maalintii khamiistii ay cagaf dawladda hoose leedahay ay goysay xadhig fiber optic ah oo ay leedahay shirkadda Telesom, taasoo keentay hakad ku yimaada qaar ka mida adeegyada shirkaddu bixiso.