Hargeisa [TELESOM] Shirkadda laydhka ee telesom (TEC) oo ah shirkadda ugu horreysa dhinaca laydhka marka la eego guud ahaan Somaliland ayaa maanta daah furtay oo dalka keentay mashruuc balaadhan oo si fudud awoodda laydhka looga dhalinayo tamarta cadceeda (Solar System). Sidoo kale shirkadda laydhka ee Telesom (TEC) ayaa macaamiisheeda usoo bandhigtay qiime dhimis 20% oo ay samaysay.
Munaasibadan ayaa ka dhacday Hotel Baraar ee magaaladda Hargeisa waxaana kasoo qayb galay wasiiro ka tirsan xukuumadda oo uu ugu horreeyo Wasiirka Tamarta iyo Macdanta, Masuuliyiinta Telesom group, saraakiil ciidan, masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda , dawladda hoose ee Hargeisa, Salaadiin, aqoonyahano, wax garad iyo marti sharaf kale oo tiro badan.