Shirkadda Isgaadhsiinta Casriga ah ee Telesom ayaa xaafadda Maxamed Mooge ka hir-galisay biriis, kaasi oo bulshadda u sahli doono isku socodka xaafadaasi oo markii hore dhibaato ka haysatay bulshadda xiliyadda roobabku da'aan laga talaabo.
Munaasibada xadhig-jarka waxaa ka soo qayb-galay qaar ka mid ah maamulka shirkadda Telesom, masuuliyiin ka socday dawladda hoose oo uu hogaaminaayey xoghahaya guud ee dawladda hoose ee Hargeysa.
Masuuliyiinta Dawladda Hoose ayaa shirkadda Telesom uga mahadnaqay dhismaha biriishkan ay shirkadda ka hirgalisay xaafaada Maxamed Mooga.