Hargeisa (Telesom) Shirkada somgas waxay maanta magaalada Hargeisa kusoo bandhigtay Haanta cusub ee Caaga ah.
Munaasibadan oo ka dhacday Bacado Hotel ayaa waxa kasoo qayb galay masuuliyiin iyo marti sharaf kala duwan oo ka kala socday Dawlada iyo shirkadaha Dalka iyo macaamiisha shirkada iyaga oo soo dhaweeyey Haanta cusub ee caaga ah tilmaamayna inay tahay Adeeg baahi loo qabay.
Haantan cusub ee casriga ah ayaa macaamiisha u sahlaysa inay dusha kala socon karaan kolba xaddiga gaasta ee ku jira haabta halka markii hore ay ku war heli jireen uun iyadoo dhamaatay.