Gabilay-(Telesom) Shirkadda Telesom ayaa Deeq dhan $20,000 ugu deeqday maktabada Qaranka ee Gabilay. Munaasibadan ayaa ka dhacday degmadda Gabilay. Waxa shirkadda Telesom matalayay Agaasimaha waaxda xidhiidhka dadweynaha A/wahab Maax iyo Guddoomiyaha Shirkadda Telesom ee Gabilay Maxamed Xaashi Aw Jaamac. Waxa deeqdaa guddoomay Guddida Maktabadda Qaranka ee Gabiley, waxa kale oo munaasibadan kasoo qayb galay Maayarka iyo Badhasaabka Gobolka Gabilay.