Shirkadda Telesom ayaa xaflad casho sharaf ah ku maamuustay kooxda Daadmadheedh
Hargeisa-(Telesom) Shirkadda Telesom ayaa kooxdii ku guulaysatay koobkii Gobolada Somaliland ee Daadmadheedh ku maamuustay casho sharaf.
Xafladdan ayaa lagu qabtay hudheelka Hayat ee magaaladda Hargeisa. Koobka Gobolada Somaliland oo bilaabmay 28kii bishii Oktoobar ayaa soo gebo-geboobay 16kii bishan aynu ku jirno ee Noofambar waxaana koobkaa kasoo qayb galay 14ka Gobol ee Somaliland. Ugu dambayntiina waxa koobkaa ku guulaysatay kooxda ka socotay Gobolka Daadmadheedh.