Shirkadda Telesom oo soo bandhigtay guulaystaasha barnaamijka Aroos wacan Qaybtii 2aad
Hargeisa-(Telesom) Shirkadda isgaadhsiinta ee Telesom ayaa macaamiisheeda usoo bandhigtay Guulaystayaasha barnaamijka Aroos wacan. Xafladdan oo ka dhacday garoonka kubadda kolayga ee Timacadde ee badhtamaha magaaladda Hargeisa. Xafladdan oo ay kasoo qayb galeen masuuliyiinta shirkadda Telesom iyo marti sharaf kale ayaa lagaga dhawaaqay 8 guulayste oo ah wajigii labaad ee barnaamijka aroos wacan.