Barnaamijkan Kedis ayay Shirkadda isgaadhsiinta ee Telesom markii ugu horraysay billowday sannadkii 2017. Macaamiisha ka qayb qaadata barnaamijkan ayaa sannad walba sii kordhaysay, iyagoo arrinta ku sababeeyay in habeen walba oo Ramadan ay jiraan 12 Guulayste sidaa darteed ay haystaan jaanis ah inay mar uun ma mid noqdaan guulastaasha helaya abaal marinaha kala duwan ee la guddoonsiinayo.
Shirkadda Telesom ayaa guulaystayaasha barnaamijkan ku abaal marisa hadyado kala duwan sida; Mobilo, Mifi, Lacag cash ah, Prepaid iyo Numbaro Vip ah.
Barnaamijkan Kedis ayaa ka baxa muuqaal baahiyeyaasha Saab Tv, Bulsho Tv iyo Astaan Cable oo bulshadu habeen walba 9 fiidnimo si toos ah (Live) ugala socdaan.