Telesom
  • Home
  • Buy Now
    • Buy ADSL service
    • Buy MYSMS service
    • Buy Vehicle Tracking service
    • Support form
  • About
  • Service
  • Portfolio
  • CSR
  • Promotion
  • Career
  • Contact
  • Login
  • EN
    • English
    • Somali
Log In
Register an account

Shirkadda Telesom oo Guddida Heer Qaran ee Ka Hortagga Covid19 Ku Wareejisay Deeq dhan $840,000.

Post by Admin, May 12, 2020.

HARGEYSA  - [Telesom] - Shirkadda Telesom ayaa maanta Guddida Ka Hortagga Covid19 Ku Wareejisay $840,000 oo isugu jira $640,000 qalabka xanuunka lagula tacaalo iyo $200,000 oo kaash ah  oo loogu talo galay qoysaska danyarta ah ee uu saameeyey xanuunka Covid19, shirkadda ayaa deeqdan kaga dhawaaqday shir jaraa’id oo maanta [Axad] ka dhacay madaxtooyadda.

Telesom clouds

Shirkan jaraa’id waxaa ka soo qayb-galay madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo ay wehelinayeen guddida heer Qaran ee ka hortagga Xanuunka Covid19, maamulka sare ee shirkadda Telesom iyo masuuliyiinta madaxtooyadda Somaliland. 

Sida uu sheegay Cabdinaasir Aadan Nuur oo ka mid ah guddida sare ee shirkada Telesom. Shirkaddu iyadda oo ka jawaabaysa baaqii xukuumadda Somaliland u jeedisay ganacsatada, shirkaddu waxay guddida ku wareejisay dhammaan noocyadda qalabka looga baahaan yahay in lagula tacaalo xanuunka Covid19 qalabkaasi oo uu qiimihiisu dhan yahay $640,000, kana koobnaa aaladda lagu cabiro xumada, mishiinka Neef-caawiyaha, qalabka lagu baadho dheecaanada iyo Waji-saabka (Face Mask) dhakhaatiirta.

“Waxaan maanta halkan ku wareejinayaa $200,000 oo kaash ah oo u dhiganta 4,000 oo qoys raashinkood iyo qalabkaas oo u dhigma $640,000. Waxaan jecelahay madaxweyne ku-xigeen in aad naga guddoontaan”, sidaasi waxaa yidhi Cabdinaasir Aadan Nuur, xubin guddida sare ee shirkadda Telesom ah.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaacil Saylic ayaa shirkadda Telesom ku bogaadiyey kaalinta ay qaranka ugu jirto, waxaanu ku amaanay in deeqdani ay wax weyn ka tari doonto hawlaha ka hortagga Covid19.

HALKAN KA DAAWO WARKAN OO DHAMAYSTIRAN:

Latest CSR

Shirkadda Telesom oo Wacdaro Ka Dhigtey Carwadda 9-aad ee Rugta Ganacsiga Somaliland
Aroos Wacan Qaybtii 3aad
Telesom Group oo qiimo kaabis dhan 70% ku samaysay haamaha 6kg ee Somgas
Telesom oo maalgalin u samaysay dhalinyaro fikrado ganacsi la yimid
Sannad guuradii 7aad ee Mashruuca Caruurta la nool xanuunka macaanka
Telesom oo Lacag ku wareejisay Kooxda Kubadda Cagta ee gobolka Daadmadheedh
Shirkadda Telesom oo deeq $20,000 oo Dollar ugu deeqday Maktabadda Qaranka ee Gabiley
Shirkadda Telesom oo casho sharaf u samaysay kooxda Daadmadheedh
SOMALILAND ICT CONFERENCE 2020
  • Telesom
  • Contact Us
  • Careers
  • Data Protection
  • Terms of Use
  • FAQ
  • About
Copyright © 2021 Telesom. All Right Reserved