Telesom
  • Hoyga
  • Ku Sabsan
  • Adeega
  • AHB
  • Hadyaddo
  • Xirfadaha
  • Xidhiidh
  • Galid
  • SOM
    • English
    • Somali
Galid
Diwaan-gali Akownkan

Bandhigga Cilmi-baadhis ku Saabsan Cabbirka Lagu eego Raali-ahaanshaha Macaamiisha CUSTOMER SATISFACTION INDEX(CSI)

Post by Admin, Jan 5, 2019.

Bandhigga Cilmi-baadhis ku Saabsan Cabbirka Lagu eego Raali-ahaanshaha Macaamiisha CUSTOMER SATISFACTION INDEX(CSI)
Oo lagu baadhay Macaamiisha Shirkadda Isgaadhsiinta ee #Telesom.

Hargeysa – [Telesom] - Cilmi-baadhe Maxamed Yuusuf (Prof. Iqra) ayaa habeenimadii Jimcaha ku soo bandhigay Cali Jirde Hotel ee magaaladda Hargeysa Cilmi-baadhis (Research) ay samaysay Jaamacadda Alcayn oo ku taala Imaaraadka Carabta, cilmi-baadhistan ayaa sheegtay in shirkadda Telesom ay ka gaadhay heerka raali-galinta macmiisha 86% oo ah heer aad u sareeya.


Bandhiga cilmi-baadhistan oo ay ka soo qayb-galeen masuuliyiinta shirkadda Telesom iyo marti-sharaf kale oo badan ayaa lagaga hadlay heerka ay shirkadda Telesom ka taagan tahay raali-galinta macmiisha. Kulankan waxaa ka hadlay masuuliyiin kala duwan, waxaana munaasibadan soo qaban-qaabisay xarunta Waayeel Consulting.
Maamulaha Shirkadda la talinta ee Waayeel Siciid Cabdilaahi Siciid oo ugu horayn ka hadlay munaasibadan ayaa sheegay in daraasaddan ay wadday Jaamacadda Al-cayn muddo 6 lix bilood ah. Waxaan daraasadan sample loo qaatay shirkadda Telesom iyadoo la baadhay cabirka raali-ahaansha Macmiilka.
Kulankan waxaa ka hadlay Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland Dr Cabdiwali Sheekh C/Laahi Suufi, Wasiirka Horumarinta Ganacsiga iyo Maal-gashiga Caalamiga Maxamed Axmed Maxamuud (Cawad), Aamina Faarax Caarse iyo Sucaad Carmiye, waxaanay shirkadda Telesom ku bogaadiyeen kaalinta ay kaga jirto horumarka dalka iyo siday hormuudka ugu tahay raal-ahaanshaha Macaamiisha.
Dhanka kale, Cabdirashiid Muuse Iimaan oo ka tirsan Boodhka sare ee shirkadda Telesom ayaa macaamiisha Shirkadda uga mahadnaqay sida ay ugu markhaati fureen sida ay shirkaddu ugu adeegto. Md. Cadirashiid ayaa sheegay natiijaddan ka soo baxday cilmi-baadhistani inay ku biiri doonto dedaalkii ay shirkaddu ku raadinaysay istiraaf caalamiya.


Halkan ka DAAWO faahfaahinta Warkan:

AHB Ugu Dambeeyay

Barnaamijka Ardeykaab
Telesom iyo taageerada agoomaha
Waa kuma hoggaamiye?
Telesom Horyaalka isgaadhsiinta Africa.
Barnaamijka Ardeykaab oo Abaalmarino gudoonsiiyey 10 Ardey oo ku Guuleystay Waxbarasho bilaash ah
Jaaliyadda Somaliland ee dalka Canada oo shahado sharaf guddoonsiisay guddoomiyaha sharkada Telesom
Bandhigga Cilmi-baadhis ku Saabsan Cabbirka Lagu eego Raali-ahaanshaha Macaamiisha CUSTOMER SATISFACTION INDEX(CSI)
CARWO GANACSIYEEDKII 8aad IYO WACDARIHII TELESOM
Suldaan Cumar oo qado ku maamuusay Guddoomiyaha Telesom
  • Telesom
  • Nala Soo Xidhiidh
  • Xirfaddaha
  • Xogta Ilaali
  • Shuruudaha isticmaalka
  • FAQ
  • Ku Sabsan
Copyright © 2019 Telesom. Xuquuqdan oo dhan waxaa la dhowray